Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta oo Loogu Baaqay in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Isra’iil

Arbaco November 29 2023 {HMC}  Dalalaka G7 ayaa ugu baaqay Xuutiyiinta Yemen inay si deg deg ah u joojiyaan weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, isla markaana ay joojiyaan hanjabaadaha ay ku hayaan marinnada maraakiibta caalamiga ah.

 

Xuutiyiinta ayaa horaantii bishan afduubtay markabka “Galaxy Leader” oo uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah.

 

Kooxda ayaa Todobaad ka hor ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigtay markabka xamuulka ah ee “Galaxy Leader”, oo ku suganaa badda cas, una qaaday xeebaha Yemen, iyagoo taageero u fidinaya iska caabinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa.

 

Sidoo kale waxay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiib kasta oo ay maamusho ama ay leedahay Israel.

 

Wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 ayaa ku baaqay in la kordhiyo xabbad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Qasa, waxayna raaciyeen: “Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista ku xiran Qasa”.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA