Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA oo Dood Cilmiyeed ku qabatay Dhuusamareeb

Khamiis November  30- 2023: Dallada warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA ayaa maanta ka furtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmududug Dood Cilmiyeed muddo labo cisho ah soconaysa taasoo looga hadlayey Badbaadada Suxufiyiinta, Xuriyada hadalka iyo helida Xogaha.

 

Dood Cilmiyeedkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Galmudug Abshir Abdi Shiiqow, Gudoomiye ku xigeenka Caasimada Dhusamareb Cabdisamad Salaad Aadan Dr:Sanweyne, Taliye ku xigeenka Booliska magaalada Dhuusamareeb Laba xidigle Musataf Salaad Warsame Agaasimaha Warfaafinta Dowlada Hoose ee Dhusmareeb Abdimahad Guure”Faataxo” Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ka tirsan bahda warfidiyeenka dhuusamareb in muddo ahne kusoo jiray Warbaahinta, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug ee GAJO, Agaasinka Xaafiiska Waaxda Tababarada Wasaarada Warfaafinta Galmudug Xasan Abdirahman Adan Fantastic, Agaasimaha guud ee Warbaahinta Galgaduud hane xubin ka tirsan Golaha Fulinta Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA Abdiqadir Guure Barre,qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgala Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb iyo Uruada Bulshada rayadka ah.

 

Xoghayaha Guud ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan oo ka hadlay ujeedada dood cilmiyeedka ayaa sheegay inuu yahay sidii ay warbaahina ku heli lahayd xogaha ama aqbaarta saxda ah,lana helo iskaashi ka dhexeeya bulshada,Maamulka iyo Booliska.

“Haddii aqbaarta saxda ay soo gaarto warbaahinta oo lala wadaago waxyaalaha dhibaatada ku ah bulshada si fudud ayaa looga hortagi karaa, muhiimada koobaadne waa in la helaa wadda shaqeyn dhexmarta Maamulada, Wariyaasha iyo Warbaahinta.”ayuu yiri Mr Makaraan.

Gudoomiye ku xigeenka magaalada Dhusamareb Cabdisamad Sanweyne ayaa sheegay in maamulka Caasimada uu diyaar u yahay in saxaafada la wadaago akhbaarta saxda ah si bulshada ay u hesho warar lagu kalsoonaan karo.

 

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Abdi Shiiqow oo ka qeyb galaayay dood Cilmiyeedkii ay SOMA ku qabatay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu u mahadceliyay Dallada Warbaahinta SOMA isagoo sheegay in Saaxafada Galmudug waxa ay heystaan xoriyad ay ku shaqeysan karaan dadkana ugu shaqeyn karaan, mana jirto xaafiis aysan tagi karin wariyayaashu,

“ka Wasaarad warfaafin ahaana waxaan kala shaqeynaaa in ay helaan xogaha loo bahan yahay, aidoo kale hadey jiraan tabashooyin ay qabaan waxaan ku boorinayaa in ay qiraal ahaan usoo gudbiyaan waxaan u gudbinayaa Madaxda sare ee Dowlada”Ayaa yiri Wasiir Abshir.

Dhanka kale Laba xidigle Musdaf Salaad Warsame Taliye xigeenkq Booliiska Magaladda Dhusamreeb Ee Caasimada Galmudug ayaa sheegay in warbaahinta ay kala shaqeyaan sidii ay xogaha ay doonayan u heli lahayeen, ayna wariyayaashu ay booliiska saxiib dhaw la yihiin, balse ay jiri karaan caqabado yaryar oo dhaca mararka qaar.

 

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo in muddo ah Saxaafada ka soo sahqeynayey ayaa carabaabay in Degmooyinka iyo Deegaanada Galmudug oo ay ka howlgalaan Xarumo warbaahin oo gaar loo leedahay iyo Wariyaal madax banaan, Balse sidii la rabay aysan ahayn xoriyada hadalka iyo Helida xogha.

Mr Maxamed Deeq ayaa intaas raaciyay caqabado badan oo isbiirsaday haba ugu badnaadaan Maamulada heer Dowlad Goboleed illaa heer Degmo.

Qaar kamid ah marti sharafkii ka qeyb galay oo iskugu jiro Bahda warbaahinta Ururada Haweenka dhalinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa su aalo la xiriiro Xuriyada hadalka helida Xogta iyo badqabka Saxafiga ayaa weydiiyay madaxdii lagu casuumay Madashada Dood cilmiyeedka.

Dallada Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA ayaa Dood Cilmiyeed la mid ah kan maanta ka furmay Dhuussamareeb waxa ay ku soo qabaatay magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA