Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxey tahay U jeedada Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Imaaraatka Carabta

Khamiis November  30- 2023: Dubai, Nofeembar 30, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed .

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Inaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA