Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya

Khamiis November  30- 2023 Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya Admiral Cabdi Warsame Cismaan.

Xilkaan taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya ayaa mudo sanad ku siman waxaa haayay oo ku magacawna Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse, kaasoo wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya xilkaan looga qaaday, laguna magacaabay taliyaha cusub Admiral Cabdi Warsame Cismaan.

Madaxweynaha Soomaaliya inuu ayaa Taliyaha cusub ee ciidanka Badda in si deg deg ah xilkaas ula wareego, islamarkaana uu guto waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Taliyaha cusub ee ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa la sheegay inuu yahay shaqsi mudo dheer kasoo dhex shaqeeyay qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Badda Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo markale xeebaha dalka ay dib uga soo cusboonaadeen kooxo Burcad badeed Soomaali ah.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA