Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Milateriga Israel oo Daanta galbeed ku dilay caruur badan Falastiiniyiin ah

Khamiis November 30 2023 {HMC} Milateriga Israa’iil ayaa dilay labo carruur ah oo Falastiini ah, kaddib markii ay Arbacadii rasaas ku fureen xerada qaxootiga Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin
Wasaarada ayaa magacyadooda ku sheegtay Adam Samer Al-Ghoul oo 8 jir ah iyo Basel Sliman Abu Al-Wafa oo 15 jir ah
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in ay canug ka soo qaaday degaanka Basateen ee Jenin oo ay geeyeen isbitaal maxalli ah ka dib markii ay toogteen ciidamada Israel, sida lagu sheegay bayaan la daabacday
Ciidamada Israiil ayaa war ay soo saareen waxay kaga hadleen dhacdadan
“Maanta intii ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen xerada Jenin, ayaa tiro tuhmaneyaal ah waxay ku tuureen walxaha qarxa gaadiid ay la socdeen askarta, ciidamadu waxay rasaas nool ugu jawaabeen tuhmanayaasha, waana la aqoonsaday.” ayaa lagu yiri warka ciidamada Israel
Muqaal CCTV ah oo la helay ayaa duubtay canug isku dayay inuu ku dhuunto baabuur ka hor inta aan la toogan oo la arkay isagoo dhulka jiifa. Dabadeed, ilmo kale ayaa u soo dhowaaday, isaga oo isku dayaya inuu dhulka ku jiido
Muuqaalo badan oo CCTV ah oo ku wareegaya baraha bulshada ee Falastiin ayaa muujinaya wiil labaad oo dhalinyaro ah oo ku sugan Jenin oo shidaya shay aan la aqoonsan ka hor inta aan la toogan

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA