Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH : Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Salad oo Maanta Kormeeray Suuqa Bakaaraha

Khamiis November 30 2023 {HMC} Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Salad, ayaa maanta si dhow u indha indheeyay isbeddelada dhanka amniga ah ee ka socda Suuqa Bakaaraha. Suuqa, oo hore u ahaa meel ay ku badnaayeen falalka amni darada iyo dilalka, ayaa haatan muujinaya horumar la taaban karo oo dhanka amniga ah.

Inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, Mahad Salad waxa uu qiimeeyay sida ay u hirgaleen awaamiirtii Hey’adda NISA ee ahaa in ganacsatadu ku xiraan kaamirooyinka qarsoon ee CCTV goobahooda ganacsi. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in ay gacan ka geysato sugidda amniga, badbaadada nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee suuqaas ku ganacsada.

Agaasimaha ayaa sidoo kale lugeeyay suuqa, isagoo si gaar ah ula kulmay qaar ka mid ah ganacsatada, isla markaana ka wareystay xaaladaha amniga ee suuqa iyo sida ay u arkaan isbeddeladan cusub.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA