Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xamza abdi bare oo mashruuc muhiim ah ka dhagax-dhigay degamada Afmadow

Jimco December 1- 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka
R/Wasaare Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada
Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa
Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ay sababeen roobabku, ayaa sheegay in degmada ay dhinac walba ka go’doomiyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka iyo kooxaha Khawaarijta ah
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay baaxadda dhibaatada ay gaarsiiyeen degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran daadadku
Sidoo kale Xamza ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadku
Dhankooda, maamulka degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa uga warbixiyey khasaaraha nololeed iyo kan hantiyeed ee soo gaaray

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA