Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Sheegay in ay Diyaar u Yihiin in La dhigo Gogol Nabadeed

Jimco December 1- 2023{HMC} Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ku baaqay nabad, isaga oo sheegay in colaada ka taagan qaybo kamid ah gobolka Sool nabad lagu dhameeyo.

Garaadka oo ka jawaabay shir ay dhawaan yeesheen beel kamid ah beelaha Somaliland oo ay xurguf colaadeed dhexmartay beeshiisa, ayaa sheegay in loo baahanyahay in colaada wada hadal lagu dhameeyo.

“Garxajis waxaanu ka rajaynaynaa in ay qabtaan cida ay xadhiga u yihiin oo Habarjeclo ah, anaga Harti ayaa na qabta, dhibaatadani haday sii socoto way idin saamaynaysa, idinku gogosha dhiga, ama aynu isla meeraysano, diyaar ayaanu u nahay nabadgalyo” ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Beesha Bariga Burco oo dhawaan shir ugu soo xidhmay magaalada Burco, ayaa sheegtay in ay nabad ku wadanoolaansho rabaan, lakiin ay dagaalamayaan, oo ay is difaacayaan.

Dagaalada ayaa sababay khasaare soo kala dhaagay labada dhinac iyo gubashada tuulooyinka Buqdharkayn iyo Boodhlay, waxaana laga cabsi qaba in ay markale qarxaan xili dhinacyadu ay is horfadhiyaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA