Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH:Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Puntland Oo War ka so Saaray Wax ka badalka Dastuurka

Jimco December 1- 2023{HMC}, waxaa kulan wadatashi ku yeeshay magaalada Moqdishu, xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ku metela Dawladda Puntland. Kulanka waxaa lagu lafa guray; hannaanka loo marayo dib-u-eegista dastuurka, heshiisyadii golaha wadatashiga qaran, iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

Shirku waxa uu aad ugu dheeraaday falanqaynta wax ka bedelka dastuurka iyo saamaynta taban ee uu yeelan karo, haddii uu hirgalo hannaanka deg dega ah ee lagu wado. Shirku waxaa uu isla qiray in shacabka jamhuuriyaddu mudan yahay in uu helo damaanad qaad xorriyadeed ee dhanka siyaasadda iyo noloshaba, si taas loo gaarona ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo galay.

Shirku waxaa uu sidoo kale isla qiray in nidaamka dowladeed ay aynu hadda haysano yahay midka ugu haboon ee lagu dhaqi karo dal kasoo kabanaya colaado iyo dagaalo sokeeye.

Shirku waxa kale oo isla gartay in aysan suurta gal ahayn in la lumiyo awoodaha dastuuriga ah ee BJFS labadiisa Aqal oo udub dhexaad iyo dheelitir u ah hanaanka Dowoladnimo ee dalkeenna.

Haddaba, falanqayn dheer kaddib, waxaa ka soo baxay shirka qodobada hoos ku xusan;
Arimaha Dastuurka iyo Heshiisyada Madasha WTQ

a) Waxaan si cad uga soo horjeednaa hannaanka loo marayo wax ka beddelka iyo qabyo-tirka dastuurka KMG ah, iyada oo hay’adaha fulintu ka shaqaynayaan, una ololaynayaan heshiisyo siyaasadeed oo aan loo dhammayn iyo dastuur aysan qayb ka ahayn dhamaystirkiisa Dawladda Puntland, si baalmarsan Dastuurka KMG ah Qodobkiisa 54aad ee waajibinaya wada xaajood kasta ee siyaasadeed iyo dhaqaale in ay si siman uga wada xaajoonayaan Xukuumadda FDS iyo Maamullada Xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

 

Sidoo kale, Qodobka 137aad faqradiisa (1) oo waajibanaysa in lala tashado dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, isla markaana ay maqantahay xubintii korjoogtada Puntland ee guddiga dib-u-eegista iyo hirgalinta dastuurka sida uu qabo
Qodobka 134aad faqradiisa (2) ee dastuurka KMG ah.

b) Waxaan ka digaynaa isbeddel kasta oo taabanaya mabaadi’da asaasiga ah ee ku xusan Cutubka 1aad ee Dastuurka KMG ah, sida hannaanka awood qaybsiga nidaamka federaalka, metelaadda dadweynaha ee loo dhanyahay iyo hannaanka ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo guud ahaan ilaalinta midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalka, oo ah mid aan la kala qaybin karin, isla markaana dastuurku reebaayo in la soo jeediyo wax ka beddel la xiriira, sida ku cad Qodobka 132aad faqradiisa (1).

 

c) Waxaan ka welwelsannahay deg-degga ay ku wadaan hay’adaha fulintu wax ka beddelka dastuurka, tix galin la’aanta talooyinka siyaasiyiinta dalka iyo go’aanka ay ku xireen fursadaha wada hadalka, ururinta talada bulshada, iyo wada xaajood kasta oo ballaarin karay sharciyadda heshiisyada Madasha Wadatashiga Qaran, fududayn karayna hannaanka dib u eegista dastuurka.

d) Waxaan qiraynaa isbedel kasta oo lagu sameeyo dastuurka KMG ah si baalmarsan cutubka15aad ee dastuuka, in ay ka dhalan doonto kalsooni darro siyaasadeed, qaybsanaan bulsho, iyo dhaawac weyn oo soo gaara geedi socodkii dib u dhiska dawladnimada Soomaaliya.

Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

e) Waxaan ugu baaqaynaa maamulka iyo siyaasiyiinta Puntland in ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka siyaasadeed, doorashadana lagu qabto waqtigeeda dastuuriga, isla bilaha u horreeya sanadka 2024 na ay ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka, si heshiis dhamaytiran looga gaaro, geedi socodka dib-u-eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya.

 

Shirku waxa uu ku baaqayaa a. Ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ee JFS, iyo in aan la dhaawicin geedi-socodka dawlad dhiska dalkeenna, oo ku dhisanaa heshiisyadii siyaasadeed ee ka soo baxay shirarkii dib-u-heshiisinta kala duwanaa ee dalka.
b. In aan lagu salayn go’aanada masiiriga ah ee taabanaya siyaasadda iyo dhaqan-dhaqaalaha bulshada JFS, danaha shakhsiga ama kooxda markaa talada haysa.

c. Xubnaha labada aqal ee BJFS ay masuuliyad weyn iska saaraan, ALLE na uga cabsadaan go’aamada dhaawici kara dawladanimadeena, iyo wada jirka bulshada JFS.
d. Shirku waxa uu dawladda FS, DXDF iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ugu baaqayaa in si mug leh loo garab istaago dadka dhibaatadu ka soo gaartay roobabka mahiigaanka ah, daadadka iyo fatahaadaha wax yeelada ballaaran ka gaystay qaybo badan oo gobolada dalka ah.

e. Shirku waxa uu si gaar ah ugu baaqayaa madaxda dawladda Puntland, dalladda mucaaradka, Isimadda dhaqanka, bulshada rayadka ah, culaamaa’u diinka, haweenka, dhalinyarada iyo guud dadka reer Puntland in si wada jir ah loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida dawladda Puntland, mudnaan gaar ahna la siiyo wada hadalada si loo gaaro doorasho la isla ogolyahay oo ku dhacda mudada dastuurga ah.

Wabillahi Tawfiiq,

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA