Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

wiilasha xulka qaranka18 sano jirrada Soomaaliya oo 4-1 looga badiyey

Jimco December 1- 2023{HMC} Xulka qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya ayaa maanta waxay fooda is dareen dhiggooda Kenya, kulan ka tirsan tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa
Xulka Kenya ayaa 4-1 ugu awood sheegtay Somalia oo goolka ka ku hor martay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ka dibn shan daqiiqo gudahood Kenya ay dhalisay labo gool oo deg deg ah, iyagoo qeyb labaadna helay labo oo kale
Goolka kaliya ee ay Somalia dhalisay oo aha mid aad u qurux ayaa waxaa u saxiixay Ciyaartoyda Cabdixaafid Abdi
Labada kooxood ayaa ka tirsan guruubka A. Waxaa sidoo kale isla guruubkaas ka tirsan oo wada cayaaray dalalka Rwanda iyo Sudan
Kulankan ayaa ka dhacay garoonka Bukhungu Stadium oo ku yaala magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya
Kenya ayaa hogaamineysa guruubkan iyadoo leh 9 dhibcood, halka Soomaaliya ay ku jirto kaalinta labaad iyagoo haysta 3 dhibcood. iyadoo Soomaaliya ay maanta ka hartay guruubka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA