Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Buuq maanta Hareye kulankii xildhibanada Golaha shacabka

Sabti December 2- 2023{HMC} Waxaa maanta xarunta KMG ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isugu yimid xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, si ay xildhibaannada uga doodaan ajandayaal kulanka la horkeenay
Kulanka ayaana furitaankiisa waxaa hareeyay buuq xooggan, kaddib markii xildhibaannada ka biyo diideen ka doodista labo ajande oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sannadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sannadka cusub
Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee kulanka joogay ayaa diiday in la isku qabto labo ajande, waxa ayna codsadeen in labada ajande ee xisaab xirka miisaaniyadii hore iyo meel marinta miisaaniyadda cusub lakala qaado
Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale diiday in kulanka xildhibaannada labada Aqal uu guddoomiye guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo dooda xildhibaannada markii badatay sheegay in kulanka xiran yahay ayna isugu imaan doonaan kulamo kale
Dhinaca kulanka kulanka waxaa ka dhacay gacan kahadal ,kaddib markii ay isku dhaceen xildhibaan katirsan golaha shacabka iyo habdhooraha baarlamaanka, waxaana muuqaal la duubay la arkayay xildhibaanka iyo habdhowraha oo gacanta iskula tagaya
Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka federaalka oo ay horyaalaan ajandayaal xasaasi ah ayaa durba ku bilowday foodo iyo buuq, waxaana arrintan kusoo aadeysaa xilli loo ololeenayo wax ka bedekka dastuurka dalka

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA