Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

Sabti December 2- 2023{HMC} Xabbad-joojintii muddada kooban waxay ahayd guul diblomaasiyadeed. Haatanse, kaddib toddoba casho oo ay hakad ku jirtay, Israa’iil iyo Xamaas ayaa wajahaya caqabaddii ugu weyneyd ee militari iyo siyaasadeed.

Xamaas, iyadu waa u dagaal si ay u badbaaddo. Intiiba dagaalyahan ka tirsan Xamaas uu gantaal ku tuuri karo gudaha Israa’iil waxay u tahay inaan laga adkaan karin.

Mareykanka ayaa kaddib markay dhammaatay xabbad-joojinta Israa’iil u diray shuruudo ku aaddan dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku celiyay sida Mareykanku uga go’an tahay taageerada Israa’iil, mar kalena wuxuu cambaareyn u jeediyay Xamaas.

Mr Blinken ayaa ku celiyay sida uu ugu adkeysanayo “in Israa’iil ay tahay inbay raacdo shuruucda bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo qawaaniinta dagaalka, xitaa marka ay la dagaallameyso urur argagixiso oo aan intaba xeerineyn”.

Kaddib wuxuu Mr Blinken carrabaabay sida ay tahay inay Israa’iil u dagaallanto.

Wuxuu sheegay inay tahay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin wxa ku ool ah oo lagu dhowrayo nolosha rayidka, iyadoo u qoondeyneysa deegaanno ku yaalla koofurta iyo bartamaha Gaza oo ay nabad ku heli karaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA