Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaad ka ogtahay dagaalada kale ee hadda caalamka ka socda ee aan ahayn Ukraine iyo Qaza?

Sabti December 2- 2023{HMC} Wixii ka dambeeyay 7-dii octoobar ee sannadkan sii dhamaanaya, waxaa ciwaanada wararka ee caalamka haystay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas u dhaxeeya, tan oo isha caalamka kasoo leexisay dagaalkii u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka oo qudhiisu weli socda.

Waxaa jira dagaallo kale isla waqtigan ka socda meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

Somalia

Inanga oo ku bilaabayna Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka socda furinno kala duwan oo u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

Dagaalkan wuxuu socday ka hor inta uusan bilaaban kan Qaza, wuxuuna sii xoogaystay sannadkii tagay ee 2022 xilligaas oo uu dagaalkani sababay dhimashadii ug8u badnayd tan iyo 1990, sida uu qabo mac’hadka macluumaadka dagaalada ee UCDP.

Sudan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku tilmaantay dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta Suudaan inay tahay “wax aan la qiyaasi karin”.

Ku dhawaad lix milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii April ee sanadkan.

Lix bilood gudahood, iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada militariga Suudaan iyo koox dabley ah oo isku dayayay inay la wareegaan dowladda ayaa dilay ilaa 9,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, taasoo abuurtay “mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow”.

Myanmar

Inqilaab militari oo dhacay 2021 iyo caburinta dibad baxayaasha ka soo horjeeda nidaamka cusub ayaa ahaa bartii ay ka bilowdeen sare u kaca rabshadaha ka socda dalka Koonfur-bari Aasiya.

Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal madax-bannaan oo ay soo xigatay Qaramada Midoobay, in ka badan 13,000 oo carruur ah ayaa ku dhintay dalka iyo 1.3 milyan oo qof oo ka barakacay guryahooda.

Kooxo kala duwan oo fallaago ah ayaa Myanmar ka howlgalayay ilaa 1950-meeyadii. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay xagjireeyeen falalkooda waxayna kordhiyeen heerka qalalaasaha isku dayga ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan oo ay afgembiyaan maamulka cusub ee milatariga.

Nigeria iyo Suuriya

Iskahorimaadyada gudaha ee labadan waddan ayaa ku socda wadadii ay ku gaari lahaayeen 1,000 dhimasho oo dagaal ah, siday u kala horreeyaan, iyaga oo u kala saaraya dagaallo, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee barnaamijka Uppsala.

Dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacayay rabshado ay geysanayaan kooxo abaabulan tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii. Waxa ugu weyn ee hadda diiradda la saarayo ayaa ah dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee ka socda gobollo kala duwan oo doonaya inay maamulaan deegaanno.

Geesta kale, dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, kaasoo ka dhashay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday xukuumadda Bashaar Al-asad bishii March ee sannadkii 2011-kii, ayaa waxa ku lug leh kooxaha fallaagada ah iyo quwadaha waaweyn ee shisheeye sida Ruushka, Turkiga, Qatar, Sucuudiga iyo Maraykanka.

Yemen

8-dii Nofembar, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay ku soo rideen xeebaha Yemen fallaagada Xuutiyiinta.

Xuuthiyiinta waxaa taageera Iran waxayna raacaan diinta Islaamka Shiicada ee loo yaqaan Zaydiyada.

Soo ridida diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa waxa ay xasuusin u aheyd colaada halakeysay Yemen tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana iska hor imaadka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen uu taageero ka helayaa Sacuudiga, oo ah quwad ay isku hayaan Iran, Mareykanka iyo Israa’iil.

Xuutiyiinta ayaa bishii Sebtembar qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyaga oo ku qasbay dowladda in ay isaga baxdo. Isbahaysi uu hogaaminayo Sacuudiga oo taageero ka helaya Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ka falceliyay, balse sideed sano iyo kumanaan duqeymo cirka ah kadib, mucaaradka ayaa wali gacanta ku haya caasimadda.

ISHA BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA