Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Midowga Afrika oo shaaciyay inuu bilaabanayo dhameystirka wajiga 2-aad ee dhimista ATMIS

Sabti December 2- 2023{HMC} Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaciyay in howlgalka ATMIS uu dib u bilaabi doono soo gabagabeynta wejiga 2 ee dhimista 3000 oo askari marka la gaaro 31ka Diseembar 2023.

Ergayga lagu magacaabo Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 8 xarumood oo baro ciidan ah.

Wakiilka Midogwa Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya taageeradiisa iyo iskaashigiisa, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ka hor inta aan la gaarin dhammaadka bisha December, dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa wada yeelan doona kulan saddex geesood ah, oo looga tashandoono dhameystirka dhimista wajiga 2aad ee ATMIS.

Dhawaan ayay ahayd markii uu golaha ammaanka uu ogolaaday in muddo saddex bilood ah dib loo dhigo bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS, kaas oo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo bishii September ee lasoo dhaafay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA