Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin damacsanaa in uu gubo Calanka Falastiin oo gubtay.

Sabti December 2- 2023{HMC}  Gobolka Georgia ee Dalka Mareykanka waxaa laga diiwaangeliyay sheeko inta badan qabsatay baraha bulshada kaddib markii nin ka qaybgalayay dibadbax ka dhan ah Falastiin isla markaana lagu taageerayay Israaiil oo damacsanaa in uu gubo calanka Falastiin uu is gubay.

Ninkaan oo magaciisa la qariyay ayaa kamid ahaa dibadbaxayaal isku dayay in ay gubaan Calanka Falastiin balse shidaalkii ay damacsanaayeen in ay ku shubaan Calankaan uu jirkooda gaaray markii ay dabka ku gubteena ay gubteen.

Booliiska Georgia ayaa sheegay in xaaladda qofkaas gubtay aad u liidato waxaana la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaad ee ku yaalla Gobolkaas si looga daweeyo waxyeellada kasoo gaartay dabkaas qabsaday.

Meelaha sida gaarka ah uu uga gubtay ayaa kala ah Gacan iyo Lug waxaana la sheegay in waxyeellada jireed ee soo gaartay aanay sahlanayn maadaama xaalad gaar ah uu galay lagana daweynayo waxyeelladaas gaaray.

Mareykanka & Dalal badan oo Caalamka waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dibadbaxyo lagu kala taageerayo Falastiin iyo Israaiil inkasta oo mudaharaadyadu ay u badan yihiin kuwo taageera buuxda u ah Falastiiniyiinta.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA