Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in Soomaaliya fursad weyn ay u heleyso qalabaynta ciidanka.

Sabti December 2- 2023{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka falceliyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnaad tan & 1992dii ayaa sheegay in arrintaan ay tahay guul taariikhi ah oo Dalka usoo hoyatay.

Xamsa ayaa sheegay in sidoo kale fursad weyn ay u tahay dib u qalabaynta Ciidanka Qaranka oo ku howlan howlgallo adag oo lagu sugayo amniga guud ee Dalka isla markaana u xusul-duubaya sidii ‘AS’ ay uga qabsan lahaayeen deegaannada ay joogaan iyaga oo ku howlgalaya hubka fudfud oo ay heystaan.

Fursadda kale ee muuqata ayuu ku sheegay in ay jiraan waddamo badan oo Soomaaliya garab taagan haddii ay ahaan lahayd dib u dhiska ciidanka, agabka ay u baahan yihiin iyo u fududeynta waxyaabaha ay ku howlgalayaan, sidaas awgeed ayuu tilmaamay in hadda kaddib si toos ah Dowladda ay u heli doonto fursadahaas.

“Waa cunaqabatayntii ugu dhirirka badnayn ee abid Golaha Ammaanka uu dulsaaray waaye, dedaal badan ayaan u galnay in nalaga qaado, Waxa aan ka faaiideynaa in aan si casri ah u qalabayno ciidankeena iyada oo aanay naloo kala xuleyn hubka & qalabka, waxa aan ku qalabayn doonnaa ciidankeenna hub casri ah si durba Khawaariijta Dalka looga xorreeyo” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegtay in si dhow ay ula socon doonto hubka Dalka soo galaya maadaama 32-sano kaddib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaaday cunaqabatayntii la saaray Janaayo sanadkii 1992-dii waa sanad kaddib burburkii Dowladdii Militariga ahayd.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA