Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Cumar Cali Axmed oo is qab-qabsi dheer kadib maanta lagu wareejiyay reerkiisa

Axad December 3- 2023{HMC} Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa.

Cumar Axmed ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.

Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa maanta si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekada wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu wareejiyay reerkiisa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA