Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Ninkii ku dhaawacmay qaraxii Xero Nacnac oo la ogaaday qoyskiisa

Axad December 3- 2023{HMC} Soomaaliya – Cumar Cali Axmed ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xero Nacnac ee magaalada Muqdisho, waxaana qoyskiisu ay rumeysanaayeen inuu ku dhintay qaraxaas.

 

Kadib markii laga daweeyay dhaawacii cuslaa ee soo gaaray ayaa waxaa lagu muransanaa qofka uu hayo, Cumar ama Cabdisamid oo muuqaal ahaan aad isu ekaa, labadoodana lagu waayay qaraxii Xero Nacnac iyaga oo doonaya inay ku biiraan Ciidanka Xooga Dalka.

 

Labada qoys ee isku haystay haybta Cumar ayaa ku adkaystay go’aankooda, ilaa ay dacwaddu soo gaartay maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ka qaaday dheecaanka hidda sidaha (DNA).

 

Waxaa natiijada Baarista la sugayay muddo 3 Todobaad ah, iyada oo maanta soo baxday laguna ogaaday in uu ka dhashay reer Cali Axmed, sidaasina ay maxkamaddu ku wareejisay qoyskiisa.

 

Haweeney lagu magacaabo Fartuun ayaa caafimaadka Cumar wax ka qabatay inta uu ka maqnaa ehelkiisa, iyadoo aaminsan inuu yahay wiilkeeda, ilaa lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA  WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA