Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay howlgalkii Maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

Axad December 3- 2023{HMC} Warsaxafadeed ka so baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kaga hadshay khasaaraha ka dhashay howlgal ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Tuulada Helo Bacaad ee gobolka Hiiraan.

Dowladda ayaa Warsaxafadeedka ku sheegay in lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa Tuulada Helo Bacaad oo qiyaas ahaan 8 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayey Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay wali baacsi kusii hayaan xubnahii Al-shabaab ee ka badnaaday howlgalka.

HALKAN KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA