Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay dhallinyaro qoranaysay Ciidamada Soomaaliya.

Axad December 3- 2023{HMC} Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qof iskusoo xiray waxyaabo qarxa uu isku qarxiyay afafka hore ee xerada TurkSom.

Qaraxaan ismiidaaminta ahaa ayaa lala beegsaday koox dhallinyaro ah oo safaf dheer ugu jirtay inay qortaan oo ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee Gorgor.

Warar horudhaca oo aan helayno waxay sheegayaan, in dadka qaraxa ku dhaamacmay ay u badan yihiin dhalinyaradii qoranaysay inay ku biiraan ciidamada Gorgor.

Weli lama xaqiijin wax dhimasho ah.

Qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyarada, ayay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhalinyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda falkaan, ayaa shaaciyay inay ku dileen 32 askari oo katirsan ciidanka dowladda.

Qaraxaan ayaa yimid, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagayay, iyadoo ay hoos u dhaceen falalkii qaraxyada ahaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA