Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahinta qaraxyo maanta ka dhacay magalada Muqdisho

Axad December 3- 2023{HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa saddex qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala beesaday xarumo ganacsi oo ku kala yaalla suuqa Baakaaraha iyo degmada Warta Nabbadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, halkaas oo la sheegay in maalmo ka hor lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda,

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen laba haween ah oo ka agdhowaa goobta, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay.

Laba oo qarax oo kale, oo iyaguna ahaa miinooyin ayaa ka dhacay xaafadda Laba Dhagax ee dgemada Warta Nabadda, kuwaas oo iyana lala beegsaday xarumo ganacsi.

Mid kamid ah qarxyadaas waxaa lala beegsaday goob ganacsi oo uu leeyahay ganacsadaha caanka ah ee Qoobey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka dadka deegaanka.

Sidoo kale qaraxa saddexaad oo isna ka dhacay Laba Dhagax ayaa waxaa lagu qarxiyay xarun lagu magacaabo Oranje Jibsi, taas oo uu buurbur xoogleh soo gaaray.

Labadan qarax ayaa ka duwanaa midka ka dhacay Bakaaraha, waxaana labadan goobood toos u tegay rag ka tirsan As  oo qaraxyada geeyay, kadibna baxsaday.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaas oo qayb ka noqonaya beegsiga haatan lagu hayo ganacsatada.

Weeraradan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA