Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo markii ugu horreysay soo hadal qaaday guuldarrada Israa’iil

Axad December 3- 2023{HMC} Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Israa’iil ay guul-darro
istiraatijiyadeed kala kulmi karto Marinka Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay Madasha Difaaca Qaranka ee “Reagan”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray: “Dagaalka noocaan ah, dadka rayidka ah ayaa ka ah culeyska, haddii aad ku riixdo gacmaha cadowga, waxaad muteysan doonta guul darro Isrtaatijiyadeed”.

Sida uu sheegay ciidamada Israa’iil waxa ay ku guulaysan karaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas waa haddii ay ka  hortagaan dilka dadka rayidka ah kana shaqayaan ilaalinta marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil ee warbaahinta Carabta, Avichai Adraee, ayaa ku andacoodey in Xamas ay jebisay heshiiskii Xabadjoojinta oo ay gantaallo ku ridday dhulka Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa si rasmi ah Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay wajiga 2aad ee dagaalka ka dhan ah Xamaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA