Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Turkisom.

Axad December 3- 2023{HMC} Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa saakay ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidamada Turkisom ee kuyaalla degmada Wadajir, gaar ahaan wadada aada deegaanka Jaziira.

Sida aan xogta ku helnay ninka is qarxiyay ayaa damacsanaa in uu isku dhax qarxiyo dhallinyaro saf ugu jirtay sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidan cusub oo loo tababarayo milatariga Soomaaliya.

Ninka is qarxiyay oo damacsanaa in uu galo safka dhallinyarada ku jireen ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka ka shakiyeen sidaasna isugu qarxiyay goobta ,kahor inta uuan gaarin bartilmaameedkiisa rasmiga ahaa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay ninkii waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof oo kale oo u badnaa dhallinyaradii safka ugu jirtay kamid noqoshada ciidanka xoogga dalka.

Al Shabaab ayaa marar badan qaraxyo ismiidaamin ah ka fulisay xeryaha ciidanka xoogga dalka lagu tababaro, qaraxyada ayaana waxaa fuliyay rag iska dhigayay in ay kamid yihiin dhalinta dooneysa in ay ciidanka kamid noqdaan.

WIXII KASOO KORDHA HALKAAN KALA SOCO.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA