Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Howlgal lagu Dilay 60 AS ah oo ka dhacay Gobalka Hiiraan

Axad December 3- 2023{HMC} Wararka naga soo gaaraya tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda AS uu ka socdo aagga deegaanka Halgan , kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu dilay in ka badan 60 AS ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

“Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan” ayaa lagu yiri.

Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda AS ee ku sugan aagga Halgan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda As isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA