Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha dhisme jaamacadeed

Axad December 3- 2023{HMC} Afar ruux ayaa ku dhintay qarax xoogan oo saaka ka dhacay dhisme ku dhex yaalla jaamacad ku taalla Philippines halkaas oo ay ka socotay munaasabad diimeed ay lahaayeen dad kirishtaan ah.

Hool lagu sameeyo jimicsiyada oo ku dhexyaalay jaamacadda Minddanao ee ku taalla magaalada ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee waddankaas ayuu qaraxaan ka dhacay.

Afartan iyo laba ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, intooda badan ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo fudud. Masuuliyiinta ayaa sheegay in xaalku uu haatan degan yahay.

Sanadkii 2017 kii magaalada waxaa dagaal socday shan bilood ku dhexmaray ciidamada dawladda Philippines iyo kooxo xiriir laleh ururka IS.

Ururka Daulah Islamiyah-Maute inay ka dambeyn karaan qaraxaan ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA