Friday, March 1, 2024
spot_imgspot_img

Amiirka Qatar oo go’aan ka gaaray aqoonsiga safiirnimada Doodishe

Talado-December-4-2023-{HMC} Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo uu aqbalay safiirnimadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Maxamed Doodishe oo ahaa wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 23-kii November 2023-ka ayay sagootin ugu sameeyeen Wasiir Doodishe oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda si rasmi ah u noqday Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 01-03-2024

Jimco – March-01-2024-{HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Macalin Muse Farsamadii : Abdiqani osoble HOOS...

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday lix Ruux oo ajaaniib ah

Jimco – March – 01-2024-{HMC} –  Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday lix Ruux oo ajaaniib ah HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA  https://youtu.be/UJGkLe6L13I

WARARKA