Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Israa’iil oo ku dhawaaqay tirada weerarada ay Qasa ku qaadeen tan iyo toddobadii Oktoobar

Talado December 4- 2023{HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadeen ku dhawaad “10,000 oo duqeymo cirka ah” oo ay ka gaysteen Marinka Qasa tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October.

Ciidanka Israa’iil ayaa ku macneeyay arrintaan in ciidamadooda dhulka iyo cirku ay “si wada jir ah u wada shaqaynayaan” si ay “hawlgalkii dhulka ah ee ciidanka Israa’iil ee Marinka Qasa” u guulaysto.

Mar sii horreysay, afhayeenka xukuumadda Israa’iil Elon Levy ayaa ku dhawaaqay in ciidammada Israa’iil ay awood u yeesheen inay aqoonsadaan 800 oo godad dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla Qasa, kuwaas oo 500 oo ka mid ah la burburiyay.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaan wax war ah kasoo saarin warkaan ku saabsan beegsiga godadkooda ee Isr’aail ay sheegatay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA