Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maktabkii diiwaan-gelinta AS oo howlgal lagu burburiyay

Talado December 4- 2023{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Howlglallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanada kala ah Adeegoow, Garaar, Warta Doolar iyo Weeley oo ka wada tirsan gobolka Baay.

Ciidamada ayaa howgallada khasaare culus ku gaarsiiyay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ku burburiyeen xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay jab xoogan ku gaarsiiyeen AlShabaab.

Xasan Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen, ayna ku bur-buriyeen Maktabki diiwaangelinta Al-Shabaab iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay inay ku qabsadaan deegaanadaas, si looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

 

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo lagu xoreyn doono gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA