Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aankii shalay lagu wareejiyey Wiilkii La isku Haaystay Qoyskiisa

Talado December 4- 2023{HMC}Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiska Cumar Cali Axmed, oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer.

Cumar ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.

Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa ugu dambeyn shalay si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamuud Cali: “Wiilkaan dowladdiisu in ay u gurmato oo dadaal caafimaad oo dibadda u sameyso ayaan ku boorin lahaa.”“Iimanka Ilaahay idinkama qaadee caafimad geeya wiilka reer beela idin Alle idinma dhahee,” ayey tiri Xafsa.

Haarun Cabdi Xasan: “Maadaama uu ku biiri rabat ciidanka qaranka, dhibaatada soo gaartay dawadiisa iyo xaaladiisa caafimaad dowladda ma kifaalo qaaday. Cumar Cali Axmed Allaha Caafiyo.”

Mowliid Cilmi Xasan ayuu yiri “Asagaba hadda dhibane ah oo la rabey wax loo qabto ma asagii bay isku sii qabsadeen Subxaanallah.” “Wax walba waxaa ka muhiimsan caafimaadkiisa Allah caafiyo walaalkeen,” ayuu sidoo kale yiri Xarbi.

Xuseen ayaa isna yiri “Intaas ka badan baa dowladda laga rabay balse xaqa Allaha tusiyo dowladda ,wiilkaan Qaranka dartii ayuu saan u noqday sow maaha?.” “Markii uu caafimaado asigaa garan doono cida uu yahay marka Allaha caafiyo. Guriga uu joogayna waa guri Soomaaliyeed kan hadda loo wareejinaane waa mid Soomaaliyeed marka Allaha caafiyo,” ayuu yiri Ibraahim Xaaji Cali.

Samsam Mire Cali ayaa sidoo kale waxay tiri “Tan reerka wan garanay ee dowladdu ma damaanad qaaday caafimadka wiilkan, dhibka waxaa uu soo garay si uu dalkiisa, dadkiisa iyo diintisa uu u difaaco madaxda waddanka waxaa laga rabaa in ay damaanad qaadan caafimadka wiilkani wixii ku bixi lahay oo dhan. Anagana aan u duceyno walaalkeen Allow caafimaad tamam ah sii.”“Fadlan reerkii wiilkas gacanta ku haayay sanadka ee ku dadaalay ayaga oo u maleeyay wiilkoodii fadlan haloo abaal-gudo oo wixii dadaala ee wiilkaas ay u sameeyeen ha laga abaalmariyo,” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed.

Cali Xaji Macow: “Aduunyo maxkamad haddii ay gaartay waa ila nasiib xumo in dowladdii uu darteed u dhaawacmay xitaa aysan dhaheyn dawo anaga u damaanad qaadnay.”
“Waxaa nasiib xumo ah in askari ku naafoobay jidkii uu qarankiisa ugu shaqayn lahaa in dowladdu ay dhawaaqiisa baraha bulshada ka soo raacdo, iyadoo reero isku haystaan halkii ay mar hore la rabay in ay iyadu daryeelkiisa xil iska saarto,” ayuu yiri Mahad Maxamuud Cabdiraxman.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA