Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada oo Iska Diiday Casuumaad Uu U Fidiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Talado-December-4-2023-{HMC} 28-kii bishii November, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa casumaad u diray Guddoonka Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada dalka, isagoo ugu yeeray madal wadatashi, balse guddoonka Baarlamaanada Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa goor dhaw diiday ka qeybgalka ama aqbalida casumaadan.

Sababta ay u diideen ayey ku sheegeen arrimo ag kamid tahay in looga baxay balamo hore loola galay oo ay kamid tahay is waafajinta dastuurka dowladda dhexe iyo kan dowlad goboleedyada.

Waxey sidoo kale diidmadooda sal uga dhigeen inaan laga tala gelin howlaha wax looga bedelayo Dastuurka oo golaha shacabka iyo Aqalka sare oo kaliya ay isku koobeeb.

Si kastaba, Puntland ayaa horey u maqnayd, iyagoo sabab uga dhigay labo qodob oo ay kusheegeen.

1- In aanan ka qayb-galin shirka nalagu casuumay inta ay ka caddaanayso cidda leh hoggaaminta Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dejinta, Soomaaliya iyo inta wax laga qabanayo hawlihii horey loogu heshiiyay, waxna laga baddelayo sharciga Socdaalka Soomaaliya.

2. Mas’uuliyadda kala duwanaashaha iyo iska hor-imaadka Dastuurka KMG JFS iyo Dastuurada DXDFS iyo shuruucda kale ee ay soo saaran Goleyaasha Xeer-dejintu waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

HOOS KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA