Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ingiriiska oo Gaza geeyay Diyaaradaha Wax-basaasa.

Talado December 4- 2023{HMC}  Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradaha wax-basaasa ee duulliye la’aanta ah Drones-ka loo yaqaan ay u dirtay Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin si ay usoo gudbiyaan xogo gaar ah oo Xukuumadda London ay dooneyso.

War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca UK ayaa lagu sheegay in macluumaadka ay raadinayaan diyaaradahaan ay u badan yihiin in ay soo ogaadaan halka ay Xamaas ku heyso Maxaabiista ay kasoo qabsatay Israaiil 7dii Oktoobar 2023.

Diyaaradahaan Drones-ka wax hub ah ma saarno waxaana ku xiran kaamirooyin iyo agab casri ah oo soo gudbinaya xogaha ay ka doonayaan in ay ku ogaadaan halka lagu hayo Maxaabiista Yuhuudda ay ka heyso dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Xoghayaha Caafimaadka Ingiriiska Victoria Atkins ayaa sheegtay in diyaaradahaan lagu kalsoon yahay macluumaadka ay soo gudbiyaan oo laga duulaan tagi karo si ugu dambeyn loo dhabeeyo rejada Israaiil & Reer Galbeedku ka leeyihiin soo furashada Maxaabiista.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in 5 ruux oo u dhashay Dalka Ingiriiska lagu waayay weerarkii Xamaas ay ku qaaday saldhigyada Israaiil waxaana loo badinayaa in ay kamid yihiin Dadka la afduubtay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA