Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey tahay Saddexda arrin ee Sababtay hoos u dhac dhaqaale ku keenay Soomaaliya.?

Talado-December-4-2023-{HMC} Bangiga Adduunka ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan 2023, taasoo ah 2.8%, marka loo eego sanadkii hore oo ahayd 3.6%.

Warbixintiisii ugu dambeysay Bankiga ee dhaqaalaha Soomaaliya ku sheegay in dalku wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee deeqaha dhaqaale ee dibadda, maadaama ay ku dhufteen masiibooyinka dabiiciga ah, sida fatahaadda.

Dhaqaalaha ayaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco 3.7 boqolkiiba illaa 3.9 boqolkiiba sanadka 2024 iyo 2025, siday u kala horreeyaan. Saddexda arin ee hoos u dhaca keenay ayaa kala ah abaarta, dagaalka Ukraine, iyo masiibada caalamiga ah ee Covid-19.

Sida uu sheegay Baanka, jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, sida meertada abaarta, daadadka, duulaanka ayaxa, qiimaha badeecadaha caalamiga ah oo sare u kacay, iyo sidoo kale kor u kaca amni-darrada iyo colaadaha, ayaa hakiyay kobaca dalka.

Bankigu wuxuu qirayaa inuu jiro horumar joogto ah dalka Soomaaliya ee ku aaddan buuxinta shuruudaha lagu gaarayo deyn-cafinta bishan December ee 2023.

Soomaaliya, ayaa ahayd November 23, waxa loo ogolaaday in ay ka mid noqoto Bulshada Bariga Afrika (EAC) ka dib dhawr iyo sodon sano oo dagaallo ah, xag-jirnimo rabshado wata iyo go’doon, iyada oo noqotay xubintii siddeedaad ee ururka dhaqaalaha gobolka.

Ogolaanshahan ayaa Soomaaliya u horseedaya waa cusub si ay dib ugu dhisto xiriirkii go’ay ee ay la lahayd saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Africa, oo gaaraysa 3,333km – taas oo xiriirisa Jasiiradda Carabta, waxana la filayaa inay kor u qaado ganacsiga, ayna dalalka xubnaha ka ah EAC ka faa’idaystaan khayraadka, sida kalluunka (Tuna).

Bankiga Adduunka waxa uu xusay in marka ay Soomaaliya gaareyso Heerka ugu dambeeya deyn cafinta, ay muhiim tahay in dalka uu sii wado dhabbaha dib u habeynta si loo gaaro kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo barwaaqo si looga.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku sii socotaa dariiqa dib-u-habaynta dhaqaalaha ee xooggan in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo khatar ku ah dhaqaalaha inuu koro.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhawaan dalka laga cafin doono deyntii dibadda looga lahaa oo gaaraysay illaa $5 billion.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA