Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay Hargeysa

Talado December 4- 2023{HMC}  Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay koox rag ah oo maalmihii dambe dilal qorsheysan ka gaysanayay caasimada maamulkaasi.

Ciidanka amniga ayaa howlgal kusoo qabtay laba eedeysaney oo loo haysto inay ka dambeeyay dilal si abaabulan loogu gaysanayay darawallada ka shaqeeya Takaasida.

Labada eedeysane ayaa waxaa kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna 22 sano jir ah, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar oo ahaa wadaad 46 sano jir ahaa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha kala ah 1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir 2- Ayaanle Muxumed Xaashi ina Faadumo Maxamed 22jir oo ku eedaysan inay 14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay Marxuumka dileen , marxuumka ayaa ahaa darawal ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta) , waxaanay yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa qoraalka la raaciyay “Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska”.

Eedeysanayaashan ayaa sidoo kale loo haystaa fal kale oo lagu dhaawacay muwaadin kale oo lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdilaahi oo isna darawal, waxayna u gaysteen dhac.

“Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay waxii ku jiray kala baxeen. Ciidanka Boolisku waxuu degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa farrii n u diray wadayaasha gaadiidka, waxayna ugu baaqday inay feejignaan sameeyaan, iskana fiiriyaan dadka ka kireysanaya baabuurta.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA