Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada dadka ku Dhintay Fatahaadaha Soomaaliya oo Gaartay 110 Qof

Talado December 4- 2023{HMC} Hay’adda UN OCHA ee Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Soomaaliya ay kor u dhaaftay 110.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay sheegtay inay in ka badan hal milyan oo qof ku barokaceen fatahaadada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay, kiisas looga shakisan yahay cudurka Daacuunka iyo shuban biyoodka in laga soo sheegayo degaanada dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hay’addu waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaa hadda, kaliya 30% kamid ah dadka ay dhibaatadu saameysey ay heleen gargaar.

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa Soomaaliya ka da’ay roobab mahiigaan ah oo aan horay loo arag. Waxaana roobabkaasi ay ka dhashay khasaarooyin naf iyo maalba leh, barakac baahsan iyo burbur baaxad leh.

Daadadkan ayaa loo aaneynayaa ifafaalaha cimilada El Niño, taasoo ka dhalatay kuleylka ka jira badweynta Baasifigga.

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA