Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xukuumadda Madaxweyne Deni oo ku eedeysay Mucaaridka Puntland in ay Ka caga jiidayaan Wadahadalada

Talado-December-4-2023-{HMC} Cabdi Saciid Faarax Juxa, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, oo guddoomiye u ah guddi uu madaxweyne Deni u magacaabay inay wada xaajood la yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay waxba ka suurto galin wada hadalada labada dhinac.

Mr Juxa ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradku inay ka cago jiideen inay la fariistaan guddiga todobada xubnood ah ee uu isagu hoggaamiyo. wuxuu sheegay in aanay u muuqaan inay diyaar u yihiin wada xaajoodka.

“Waan u tagnay, waan la hadalnay, waan xiriirnay, halkaas ayay kusoo ururtay inay ka gaabsadaan inay nala xaajoodaan,” ayuu yiri wasii Juxa oo rajo xumo ka muujiyay inay mucaaradku oggolaadaan in la wada hadlo.

Wuxuuse sheegay inay jirto fursad weli lagu wada hadli karo, wuxuuna ugu baaqay kooxaha mucaaradka inay miiska wada hadalka yimaadaan, oo ay diyaar u noqdaan in laga wada xaajooda arrimaha ay diidan yihiin.

Warkaan wasiir Juxa ayaa yimid, iyadoo mucaaradku ay sheegeen inay fursad siinayaan ama sugayaan, go’aanada kasoo baxa guddiga isimada SSC- Khaatumo oo ku howlan inay soo saaraan, xal ay u arkaan inay looga gudbi karo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA