Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Axmed Madoobe oo dalab culus kasoo saaray wax ka beddalka dastuurka

Talado December 4- 2023{HMC}  Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta furay kafdhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dastuurka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Jubaland iyo mudanayaasha Golaha Eakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubbaland isaga oo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xooglehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada.

Intaas kadib Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday doodda ka taagan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah, wuxuuna xusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah, si loo dhammeystiro, Soomaaliya u yeelato shuruuc buuxda,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan, isaga oo ka dalbaday inay u hiiliyaan isbeddal siyaasadeed oo ka dhaca guud ahaan dalka.

“Waxaan rajeynayaa baarlamaanka in sida ay tahay arintaas u qaadan doonaan, waddankana uu u baahan yahay sida uu ku jiro si ka beddalan inuu u dhaqmo ” ayuu yiri.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in dalkeenna laga qaado cunaqabataynta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika, wuxuuna tilmaamay in guulaha waa weyn ay ku yimaadeen dadaallo la sameeyay.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddalka dastuurka oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka, waxaase la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan xubnaha laabada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA