Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamadda Nigeria oo duqeyn ku dilay 85 qof shacab ah

Talado December 4- 2023{HMC}  Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga dalkaas oo lagu dilay 85 qof shacab ah.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa ka dhacay tuulada Tudun Biri oo ku taal waqooyiga gobolka Kaduna Axadii lasoo dhaafay xili ay socotay dabaaldaga ciida muslimiinta.

Tobaneeyo qof oo reer miyi ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.
Xafiiska Madaxweyne Tinubu ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo sida uu uga xun yahay dhacdadaas, taasoo uu ku tilmaamay “mid aad looga xumaado, dhib iyo xanuun badan.” Ciidamada cirka Nigeria ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii Axadii.

Ciidamada Nigeria ayaa u adeegsada diyaaradaha drones-ka dagaalka ay kula jiraan burcada kuwaas oo olole fallaago ah ka waday waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee dalkaasi muddo dhowr iyo toban sano ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiin Ali...

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Isniin 6, May 2024 {HMC} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/ZHZ2q-f2AjI

WARARKA