Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Federaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay Qorshaha Hirgelinta barnaamijka NDC

Talado-December-5-2023-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee looga jawaabayo dhibaatooyinka isbedelka cimiladda.

Arintan muhiimka ah ee horay loo qaaday ayaa timid ka dib markii si guul leh loo cusbooneysiiyay NDC-ga Soomaaliya iyo horumarinta qorshe hawleedkeedii ugu horreeyay ee hirgelinta NDC ay u dhammaystiran yihiin barnaamij mashruuc oo la maalgelin karo.

Munaasabada daahfurka rasmiga ah ayaa lagu qabtay magaalada shirweynaha COP28 oo ka soda maalinkii 5 magaalada Dubai, iyadoo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa daah-furay qorshe wax ku ool ah oo ku aaddan yareynta iyo la qabsiga saameynta isbedelka cimiladda kaas oo calaamad taariikhi ah u noqonaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay u adkeysiga cimilada.

Khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barnaamijka NDC Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muujinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barnaamijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muujinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Khadiija M. Al-Makhzoumi Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, ayaa khudbadeeda ku soo bandhigtay Dariiqa Soomaaliya ee Qorshaha Hirgelinta ee NDC lagu guuleysto. Erayadeedu waxay hoosta ka xariiqeen tillaabooyinka istaraatiijiga ah ee hagaya shaqada cimilada Soomaaliya. Khudbadda Wasiir Khadiija waxay ku nuuxnuuxsatay doorka muhiimka ah ee Qorshaha Hirgelinta NDC iyo baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah.

Talaabada Daah-furkaani waxa uu astaan u yahay isbeddelka Soomaaliya, oo ka tarjumaysa hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo isbedelka cimilada. Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in ay ka qayb-qaataan dadaallo iskaashi oo lala yeesho bulshada caalamka si loo dhiso mustaqbal waara oo adkaysi leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA