Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In ka badan 63 qof oo ku nafwaayay daadad ku soo rogmaday Tanzania

Talado-December-5-2023-{HMC} Tirada dadka ku nafwaayay fatahaadaha iyo dhul go’a ee waqooyiga Tanzania ayaa gaartay 63 qof,  sidda laga soo xigtay warbixinta warbaahinta maxaliga ah.

Si wax looga qabto saameynta roobabka mahiigaanka ah, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay. Fatahaadyadda waxay kamid yihiin cawaaqibka ka dhashay isbadalka cimiladda.

Daadad baaxad leh ayaa ku soo rogmanaya waddamo ku yaalla bariga Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya, iyadoo ay qayb ka tahay dhacdada cimilada El Nino.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in 400 oo shaqaale samatabbixin ah loo diray degmada Hanang ee waqooyiga dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan dadaaladda naf-badbaadinta.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta cilladaysan iyo jidad go’ay, burburay, sidda uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA