Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amar culus oo Lagu so rogay gaadiidka waa weyn

Talado-December-5-2023-{HMC}  Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay hoos u dhac laga dareemay biyaha wabiga Shabeelle oo bishii hore bilaawgeedii ku fatahay xaafadaha Baledweyne ayaa maamulka gobolka Hiiraan waxa uu soo saaray maanta amaro cusub.

 

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro uu sheegay in lagu ilaalinayo badqabka wadada laamiga ah ee gudaha magaalada Beledweyne oo ay halakeeyeen biyaha wabiga shabeelle, islamarkaana meelaha qaar burbur xoogan uu kasoo gaaray wadada laamiga ah.

 

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa faray laamaha amaanka ee Booliiska iyo Nabadsugida iney si deg deg ah u dhaqan galiyaan amaradaan lagu dhowrayo badqabka wadada laamiga ah, islamarkaana cidii ka hortimaada amarka ay ka qaadaan talaabo sharci ah.

 

Amarkaan kasoo baxay maamulka Hiiraan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saakay gaadiidka nooca loo yaqaano Cagaf cagafta ay bilaawday iney isticmaalka wadada laamiga ah, kadib markii ay hoos u dhac bilaabeen biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay dhamaan xaafadaha Baledweyne.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA