Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Erdogan: “Netanyahu waa Dambiile Dagaal oo aan dacwad la tiigsaneyno”.

Talado-December-5-2023-{HMC} Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markale eedeyn culus kala dul-dhacay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu waxaana uu sheegay in uu yahay dambiile dagaal oo daadiyay dhiigga Shacabka Falastiin.

Erdogan ayaa sheegay in haddii ay awood leeyihiin Maxkamadaha caalamiga ah ee marar kala duwan looga yeeray Dad u badan Muslimiin ay la tiigsan doonaan Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Netanyahu oo markale dib u fasaxay xasuuqa ciidankiisu geysanayaan.

Recep ayaa dhanka kale tilmaamay in Turkiga aanay marnaba ka gamban doonin in uu caddeeyo mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah falalka argagaxa leh ee Ciidanka Yuhuuda ay ka geysanayaan Dhulka Falastiin.

Erdogan ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay garab istaag buuxda ay u tahay Walaalaha dulman ee la dhibaateeyay ee Falastiin waxaana uu tilmaamay in meel weliba ay ka sheegayaan xasuuqa ay ka geysanayaan Yuhuudda Dhulka Falastiin.

“Netanyahu waa dambiile dagaal waxaana la tiigsan doonnaa Maxkamadaha qaada kiisaskaan haddii ay awood u leeyihiin si aan ugula xisaabtanno dhibaatooyinka uu u geystay Falastiin” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Waxa uu socdaal ku marayaa Bariga dhexe isaga oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu la kulmay madaxda Waddamo carbeed oo uu si gaar ah ugu bandhigay in diiradda la saaro xaaladda ka taagan Dhulka Falastiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA