Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Ujeedada ka danbeyso Booqashada uu Madaxweyne Putin ku tagaayo Dalalka Imaaraadka Iyo Sacuudiga

Talado-December-5-2023-{HMC}  Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed.

Mr Putin ayaa xaddiday safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo iyadoo ku eedeysay inuu masaafuriyey carruur reer Ukraine ah.

 

“Madaxweyne Putin waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariyeyaasha Talaadadii.

 

Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Ruushka uu hadli doono xiriirka labada dal, dagaalka Israel iyo Xamas iyo siyaasadda caalamiga ah.

Peskov wuxuu sheegay in Putin uu sidoo kale kala hadli doono suuqa saliidda inta lagu jiro booqashada, kadib markii Ruushka – oo ka mid ah 10-ka dal ee saaxibka la ah OPEC – uu sheegay inuu sii xoojin doono dhimista soo-saarka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa martigelinaya shirka cimilada COP28 ee Qaramada Midoobay, laakiin Kremlin-ka ma aysan caddeyn in Putin uu ka qeybgali doono wax dhacdo ah oo la xiriira iyo in kale.

Putin ayaa seegay dhowr shirar oo heer sare ah oo dibadda ah tan iyo markii Moscow ay dagaal ballaaran ka billowday Ukraine bishii Febraayo 2022.

Putin ayaa ka baaqsaday shirkii BRICS ee Koonfur Afrika bishii hore si uu uga fogaado “bandhig is-muujin”.

Waxa kale oo uu seegay shir madaxeedka G20 ee bishii September – in kasta oo uu ka qayb galay kulan G20 ah bishii November u dhacay qaab fogaan arag ahaan ah.

Tan iyo bishii Maarso, Putin waxaa si weyn u baadi goobeysay maxkamadda ICC, waxaana dalalka xubnaha ka ah la filayaa inay fuliyaan amarka soo xiritaan haddii hoggaamiyaha Ruushka uu soo galo dalkooda.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma saxiixin heshiiska aas-aaska Maxkamadda ICC, taasi oo la macno ah inaysan qasab ku aheyn inay xiraan.

Madaxweyne Putin ayaa booqday Shiinaha bishii October, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee uu sanadkan ku tago meel ka baxsan Midowgii Soviet ee hore.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA