Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sirdoonka Soomaaliland oo sheegtay iney qabatay basaasiin u shaqeynayey..

Talado-December-5-2023-{HMC} Nabad sugida Soomaaliland ayaa sheegtay inay Ciidankooda gacanta ku dhigeen Afar nin oo lagu eedeeyey iney basaasiin u yihiin Ciidamada SSC Khaatuma ee dagaalka kula jira.

War kasoo baxay Hay’adda Nabad sugida Somaliland ayaa lagu sheegay in, iyagoo kaashanaya laamaha kale ee nabadgelyada degmada Oog ay ku qabateen rag la Shaqeeynayay SSC.

Nabad sugida Somaliland ayaa waxay ku kala sheegtay Magacyada ragga ay qabteen Cabdifataax Cali Cabdi, Cabdifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxumed Ibraahim.

Raggan waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huwanta ee ka dagaalama Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal hay’addu ku baahisay Barteeda X.

Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa ku soo aadayaa xilli weli degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Soamliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo oo dagaalo culus ay horey u dhexmareen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA