Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo gaadiid dagaal iyo saanad ciidan geysay Sool

Talado-December-5-2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Soomaaliya ayaaa sheegaya in weli Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo ka wado gobollada Sool iyo qaybo kamid ah Togdheer oo ay hadda joogaan ciidamadeeda milatariga ee la diriraya SSC.

Somaliland ayaa haatan ku jirta wax u muuqda diyaar garow dagaal oo horleh, si ay mar kale u wajahdo ciidamada SSC oo bilihii u dambeeyay ka qabsaday dhul aad u ballaaran.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in marba marka ka dambaysa ay saraakiisha Somaliland maleeshiyaad horleh ku biiranayaan ciidamada ku sugan Buq-dharkayn ilaa Qorilugud.

Sida ay ogaatay Warbaahinta, waxaa sidoo kale jira gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Somaliland loogu geeyay furimaha dagaalka, taas oo muujineysa inuu socdo dhaq-dhaqaaqyo ugu dambeeyay dagaal ay waddo Somaliland.

Ujeedka Somaliland ayaa ah inay dib usoo rogaal celiso, si ay u qabsato dhulkii horay looga saaray, kadib dagaallo culus oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sool.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhankeeda difaac adag ku jirta SSC-Khaatuma oo ciidamadeeda ay ku sugan yihiin aagga Buq-dharkayn iyo Goojacadde.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya dagaallo mar kale ka dhaca halkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara noloshooda iyo deganaashaba.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan abaabulkaas dagaal ee ka socda goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay hanjabaadyo hawada isku marinayeen labada dhinac, oo hoaray uga dhaga fureystay baaqyada loo dirayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA