Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada dadka ku dhintay foolkaanaha ka qarxay dalkan ay ku noolyihiin Muslimiinta caalamka ugu badan oo sare u kacday.

Talado December 4- 2023{HMC}  Tirada dadka ku dhintay folkaanaha ee Indonesia ayaa gaartay 22 qof, kadib markii samatabbixiyeyaashu ay heleen sagaal meyd oo kale.

Baadigoobka 10-ka qof ee la la’yahay ee ku socdaalayay buurta Marapi ayaa dib u bilowday Talaadadii ka dib markii la hakiyay walaac dhanka ammaanka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in galabta la soo saaray sagaal meyd ah, iyadoo mid ka mid ah meydadka la la’yahay. 12 kale oo dalxiisayaal ah oo dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka.

Folkaanaha soo noqnoqda ee Marapi ayaa caqabad ku noqday dadaallada samata bixinta maalmo.

Ahmad Rifandi, oo ah madaxa kormeerka Marapi, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in shan qarax la diiwaan galiyey Talaadadii oo keliya.

“Foolkaanaha Marapi weli aad buu u firfircoon yahay. Ma arki karno dhererka tiirka sababtoo ah waxaa qariyey dambaaburro,” ayuu yidhi.

Samatabbixiyeyaasha ayaa sheegay inay ka faa’iidaysanayeen daaqadaha xasilloonida si ay u raadiyaan kuwa maqan, dadaallada lagu raadinayo dalxiisaha ugu dambeeya ee maqanna ay dib u billaaban doonaan Arbacada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA