Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

10 sano guurada geeridii Mandela oo la xusay

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Shacabka iyo madaxda South Africa ayaa Talaadadi shalay xusay 10 sano-guurada kasoo wareegatay marki uu dhintay madaxweynihi hore ee dalkaasi Nelson Mandela.

Mandela oo ahaa halyey u soo halgamay gobonnimada Koofur Africa, muddo 27 sano oo noloshiisa ka mid ahna xabsi ku qaatay, ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyay oo madow ah oo soo mara Koofur Africa, kaddib dhammaadkii gumeysigi ku dhisnaa midab-takoorka ee caddaanka Koofur Africa.

Mandela ayaa sidoo kale ka mid noqday shakhsiyaadka ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee loo yaqaanno Nobel Peace Prize, isaga oo loo tixgeliyo inuu ka mid ahaa madaxdi ugu saameynta badneyd ee dunida soo martay taariikhda casriga ah ee dunida. 5-ti bishii December ee sannadki 2013-ki ayuu go’ay isaga oo ay da’diisu aheyd 95 sano.

Munaasabaddihi lagu xusay Mandela ee shalay ka dhacay South Africa ayaa waxaa goob joog ka ahaa, wufuud heer caalami ah oo ay ku jireen saraakiil sare oo ka tirsan ururka Xamaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka AP.
Basim Naciim oo horay wasiir uga soo noqday maamulka Xamaas ee Gaza iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday Dhismayaasha Isutagga ee magaalada Pretoria.

Dhinaca qoyska Mandela, waxaa munaasabadda ku matalayay xubno uu ka mid ahaa wiilka uu awoowga u yahay Mandla Mandela.

Mandela ayaa sida dowladda Koofur Africa, aad ugu ololeyn jiray xorriyad ay shacabka Falastin ka helaan Isra’il. Sidoo kale South Africa ayaa safka hore uga jirtay taageerada dadka Gaza ee dunida, tan iyo marki ay milatariga Isra’il billaabeen duqeymaha wali socda ee ay ku dhinteen kumannaanka qof ee rayidka ah.
Duqeyntaan ayaa timid kaddib marki ay Xamaas weerar qorsheysan ku qaadday Isra’il 7-badi October, weerarkaas oo ay ku dishay ilaa 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA