Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Arsenal oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Premier League-ga

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Kooxda Arsenal ayaa xalay si dirqi ah uga badisay kooxda yar ee Luton Town ee ku cusub horyaalka Premier League, kadib markii daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta uu gool madax ah u dhaliyay Declan Rice, waxaana ciyaartu kusoo idlaatay 4-3.

Guushan ayaa Arsenal u horseedday inay shan dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiso horyaalka, waana markii saddexaad ee xilli ciyaareedkan ee ay Arsenal gool badis ah ay dhaliso wakhtiga dhimashada.

“Inaad dhaliso gool daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta iyo in aan sii wadno dardarteenna waa mid nagu weyn. Inaad dhaliso goolka guusha waa sharaf weyn.” ayuu yiri Declan Rice ciyaarta kadib.

Arsenal ayaa 36 dhibcood ka heshay 15 kulan oo ay ciyaartay, waxaana kusoo xigta Liverpool oo leh 31 dhibcood, halka kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ay leedahay 30 dhibcood, in kasta oo min hal kulan uu u dhismman yahay Liverpool iyo City.

Dhinaca kale, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday inuu eedeeyo goolhaye David Raya kadib markii uu galay khaladaad sababay qaar ka mid ah goolashii xalay laga dhaliyay, waxaana uu khaladaadkaas ku tilmaamay ‘eed-wadareed.

David Raya oo booska kala baxay Aaron Ramsdale kadib markii uu Arsenal kaga soo biiray Brentford, ayaa taageereyaashu ku eedeeyeen inuu Luton siiyay labo gool dhaliyay sideed daqiiqo gudahood.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA