Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Isimmada SSC- Khaatumo oo soo saaray go’aanno La xiriiro doorashada Puntland

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Guddi Isimmo ah oo ka socday SSC-Khaatumo, kuwaas oo maalmahaan ku howlanaa xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee doorashada Puntland, ayaa maanta soo saaray go’aan xal u noqon kara ismariwaaga u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweye Deni.

Isimmada oo goor dhowayd saxaafadda kula hadlay Garowe, ayaa guddoonshay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland lagu qabto, 08- January 2024, waxayna sheegeen dib u dhac ku yimaada doorashada inuu keeni karo xasilooni darro.

Isimmada SSC- Khaatumo waxay sheegeen in baarlamaanka hadda jira uu soo dooranayo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyagoo sheegay in laga rabo guddiga doorashada inuu 12 bilood ah kadib, soo dhiso baarlamaan cusub oo ku yimaada doorasho qof iyo cod ah.

Waxay sheegeen in go’aankooda ay la wadaageen dhinacyada isku haya doorashada, iyagoo sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dhinacyadu aqbali doonaan go’aankan, oo ay u arkaan inuu Puntland ka saari karo hubanti la’aanta jirta.

Dhinaca kale, Isimmadii horey iyagana usoo saaray war murtiyeedka doorashada, ee soo jeediyay in doorashada lagu qabto waqtigeeda, ayaa soo dhoweeyay kuna raacay go’aanka kasoo baxay Isimmada SSC- Khaatumo.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga in madaxweyne Deni iyo mucaaradku ay soo dhoweyn doonaan go’aanka kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA