Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi ka kooban Maamulka Gobolka Hiiraan Hirshabelle iyo Hay’addaha gargaarka oo gaaray Dagmada Buulo-Barde

Arbaco-December-6-2023-{HMC} Wafdi ka socda maamulka gobolka Hiiraan wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo qaar kamid ah Hay’addaha gargaarka ayaa gaaray magaalada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan si ay ugu kuur galaan saameynta fatahaada Webiga uu u goystay dadka ku nool dagmadaas .

 

Gudoomiyaha Dagmada bulo burde Xasan Nuur oo warbixin siinaayay wafdigii Bulo burde gaaray ayaa yiri magaalada dhan waxaa qaaday Biyo oo meel banana malahan dadkiina wey qaxeen,waxaana jira dad dhoowr mar qaxay karkii ay biyaha uga dabatageen goobahii ay horay ugu qaxeen.

 

Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Hirshabelle Caasho Khaiif oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay ula damqaneyso dhibaatada so gaartay dadka reer bulo burde ,waxaana ay intaasi raacisay in ay wanaagsan tahay in dadka ay is caawiyaan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa sheegay u jeedka socdaalkooda ay tahay sidii ay indhahooda ugu so arki lahaayeen dhibaadada ka dhalatay fatahaada ku dhufatay dagmada Bulo burde ee Gobolka hiiraan.

 

Gudoomiye Sufuroow ayaa baaq deg deg ah u diray Hay’addaha Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle in gar gaar lala so gaaro dadka reer bulo burde oo ay saameysay Fatahaada wabiga shabelle.

 

Waa wafdigii ugu horeeyay oo qiimeyn ku sameeyo dagmada bulo burde tan iyo markii u uku fatahay Wabiga shabelle.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA