Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guul weyn oo la Filaayo in SOOMAALIYA aay gaarto 13-ka December

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Markale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiska jooga waxaana loo xisaabinaya waxyaabaha waari doona ee u qabsooma muddo xileedkan cusub.

24-kii bishii lasoo dhaafay ee November, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa nasiib u yeeshay inuu Soomaaliya ku biiriyo Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Inkasta oo ay muddo soo jiitameysay isku-deyga Soomaaliya ee ku biirista ururkaan, haddana shaqadii uu ka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh 18-kii billood u dambeysay iyo saaxiibtinimada uu siiyay dalalka Uganda, Kenya iyo Tanzania oo saameyn badan ku leh ururkaan ayaa wax badan caawisay.

Maadaama ay ku biiristan weligeed jireyso waa mid kamid ah guullaha waara ee loo diiwaan-geliyay muddo xileedkiisa cusub oo laba sano u dhamaanin.

1-dii bishan December oo Jimcihii lasoo dhaafay ku beegneyd wuxuu markale xaqiijiyay madaxweyne Xasan Sheekh natiijadii labaad ee waxqabadka waara, waana inuu dalka gaarsiiyay in laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano.

Guushaas oo wax ka tari doonta dhismaha ciidan qaran, in laga adkaado AS iyo in qarannimada dalka ay kaamil noqoto.

Arrinta saddexaad ee la sugayo dhawaan waa deyn cafinta, 13-ka bishan aynu ku jirno ee December shirka hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxaa tagi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doona in guud ahaan deyntii laga cafiyay Soomaaliya.

Waa guul kale oo waari doonta, waxay noqon doonta 20 cisho gudahood in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay xaqiijinayso saddex arrimood oo kabaya dhaqaalaha, amniga iyo cilaaqaadka dalka.

Arrimahan waxaa loo yaqaana guullaha waara, waa in dowladnimada meeshii ugu timid iyo meesha uga tageyso inuu farqi u dhaxeeyo waana inay jiraan waxyaabo la magacaabi karo oo hirgalay intii aad xilka joogtay, kuwaasi oo ah waxyaabaha aan adiga hore ku raaceyn ama nolol maalmeedka la xiriira.

13-ka bishaan madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhalinaya goolkiisa saddexaad ee guulaha waara, waana mid kamid ah sababaha Xasan Sheekh loogu yaqaano inuu yahay hoggaamiye ku fiican ka gun-gaarida arrimaha waaweyn ee dhabta ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA